Alshabab oo weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka kenya ku lahaayeen gobolka jubada hoose

0
70

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolkaas.

Saldhigyada la weeraray ayaa waxaa ay kala yihiin kuwo ku yaalla degaannada Qooqaani iyo Cabdalla biroole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weeraradii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada Qooqaani iyo Cabdalla biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, balse Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.