Ciidamada boliiska iyo milateriga ee ka howlgala gobolada Bay iyo Bakool oo looga digey iney galaan fal dembiyeed

0
100

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah Baydhabo ugu qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad, ayaa waxaa laga soo saarey Awaamir ku aadan Askarigii dil ama faldambiyeed geysta una hogaansami waayo Amarka Talihiisa , waxaa lala tiigsan doonaa Shaciga .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay gaashaanle dhexe Aamiin Mad daruur iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa fariin u direy Ciidamada Qalabka sida .

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) Ciidamada qalabka sida farey in u hogaansamaan Sharciga iyo qaanuunka udegsan dalka kana fogaadaan Falalka gurcan .

Xili Magaalada Baydhabo dhawaan la fileyo in ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Taliyaha qeybta 60aad Ciidamada Xoogga uga digey in Siyaasada faraha la galaan.