Dhegeyso: Maddaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland oo Ka Hadley Faragelinta Shisheeye

0
82

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay jiraan qaar kamid ah dalalka Carbeed oo mar walba faragelin ku sameeya Arrimaha doorashooyinka dalka si uu u guuleysto musharaxa ay doonayaan.

Cabduweli Gaas oo ku sugan magaalada Nairobi lana hadlay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado in arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ay faragelin ku sameeyaan wadamo shisheeye, isla markaana go’aaminteeda ay qyeb ka qaataan.