Dhegeyso: Xildhibaan Zakariye Xaaji oo Ka Hadley Xariga Xaqdarada ee Mukhtaar Roobow Lagu Heysto

0
174

Xildhibaan Zakariye Xaaji oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka dowlada federaalka somaliya isla makaana ah hogaamiyaha xisbiga Garsoor ayaa markii ugu horeysay ka hadley xariga cadaala darada ah ee lagu heysto Mukhtaar Roobow.

Xidlhibaan Zakariye ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar uu u xeran yahay dad awood sheeganaya isla markaana aysan habooneyn qaabka loola dhaqmey, Zakariye ayaa intaas raaciyey in lagu xad gudbey xuquuqdiisa dastuuri.

Xildhibaan Zakariye ayaa hoosta ka xariiqey in dastuurka somaliyeed ee ku meel gaarka ah eysan meelna uga qorneyn in dadka inta lasoo xerto aan maxkamadna lasoo taagin, Wuxuuna madaxda xukuumada ugu baaqay in Mukhtaar Roobow sida ugu dhaqsiyaha badan kusii daayaan maadama uusan jirin wax dembi ah oo ay kusoo oogeen mudada sanadka ka badan ee uu u xirnaa.