Golaha Wasiirada oo u Ololeynaya in loo Gurmada Shacabka Dalka Suudaan Halka ay Shacabka Somaliyeed Weli Biyo Dhex Fadhiyaan

0
42

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dowladda iyo shacabka Sudan oo wajahaya fatahaadihii ugu ba’naa ee dalkaas soo mara muddo ka badan 100 sano.

Qeybo ka mid ah dalka Sudan ayaa waxaa ku fatahay webige Nile, taasi oo horseeday dhimasha in ka badan 100 qof iyo barakaca dad kor u dhaafaya nus milyan.

Shirka Golaha oo uu Khamiistii guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in muwaadiniinta Sudan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafo kharashaadka degganaanshaha iyo ganaaxyo haddii ay jireen.

Sudan oo ka mid ah dadalka sida weyn u garab istaagay Soomaaliya, waxaa ku nool in ka badan 7,000 oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas kale.

Hadalka kasoo yeeray kulanka golaha wasiirada ayaad moodaa mid gacan bidixeynaya daadadka ka dhacay degmada afgooye iyo weliba degmada beledweyne taasoo aysan ilaa iyo hada wax gurmad ka geysan xukuumada halka ay u ololeynayaan in loo gurmado dalka suudaan