Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Kulan Khado Ah Isugu Yeeray Hogamiyeyasha Maamul Goboleedyada

0
94

Duhurnimadii maanta aya kulan qado ah waxaa uu uga furmey xarunta madaxtooyada Madaxweynaha dolwada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka banaadir.

Kulanka ayaa ah kulan albabada u xiran ayadoo loo diidey in goob joog ahaadaan warbaahiinta ka howlgashaa magalada muqdisgho, Iyada oo la sheegay inta uu socdo kulanka in waxyaalo badan la isla soo qaadi doono oo ay ugu horeyso doorashooyinka.

Shirkan ayaa waxaa uu noqonayaa mid gogol xaar u ah iska qancinta furitaanka shirka ay u dhan yihiin Madaxda iyo ka gudbida caqabadaha ku hor gudban, kaddib markii uu maanta baaqday shirkii rasmiga ahaa ee Madaxtooyada iclaamisay maalin la hor.

Sabtida soo socota ayaa la filayaa in shirka uu furmo waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Axmed Madoobe uu weli ku taagan yahay qadiyada gobolka Gedo in laga qanciyo maadaama ay xukuumada dhexe faraha kula jirto.