Dhegeyso:Taliyaha Qeybta 60naad oo Amar Dul Dhigey Ilaalada Masuuliyiinta Koonfur Galbeed

0
198

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Jenaral Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa ku amray dhamaan Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan degaannada Maamulkaas inay dib ugu laabtaan Xeryahooda iyo difaacyadii ay ka Shaqeyn jireen.

Waxaa uu ku eedeeyay Masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed inay ilaalo ka dhigteen Ciidamadii loo baahnaa inay sugaan Amniga degaannada Maamulkaas,waxaana uu ku amray dhamaan Ciidamada inay difaacyadooda dib ugu soo laabtaan.