Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Gudoomiyeyaal Cusub u Magacaabay 3 Degmo

0
115

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa Isbedal ku sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Shibis ayaa loo Magacaabay Cali Axmed Cabdulle ( Cali Soomaali).

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley ayaa loo Magacaabay Guhaad oo horay u ahaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab.

Waxaa sidoo kale gudoomiyaha degmada Xamar Jabjab loo Magacaabay Maxamed Suudi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa inta badan degmooyinka Muqdisho waxaa laga dareemayay habacsanaan dhanka maamulka ah.