Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulankii Jabuuti

0
96

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin rasmi ah waxaa ay ka bixisay wada-hadalladii dhawaan Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ku dhex-maray dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in kulmadii ay yeesheen Guddiyada farsamada ay ahaayeen kuwo lagu abuurayay kalsooni dhisid iyo inay socdaan wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.