Xildhibaanada Baarlamanka oo Maanta Ka Doodi Doona Qoondada ay Haweenka Ku Leeyihiin Golaha Shacabka

0
40

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 20/6/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray iney soo diyaariyaan.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in berri oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana ay soo xaadiraan .

Mar walaba oo lasoo gaaro xiliga soo xulitaanka baarlamaanka ayaa waxaa la isku qabsadaa qoondada ay haweenka ku leeyihiin gobolaha shacab taasoo beelaha qaar ay muran badan ka keenaan.