Mareykanka oo Somaliya Ugu Deeqay 17.1 Milyan oo Lagula Dagaalamayo Cudurka Covit 19

0
26

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay bixinayso in ka badan $ 17.1 milyan oo doolar si loo yareeyo faafitaanka COVID-19 gudaha Soomaaliya.

Iyada oo loo marayo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Mareykanka wuxuu sheegay inuu la jaan qaadayo barnaamijyada horumarineed ee caafimaad iyo waxbarasho ee jira si looga caawiyo la dagaalanka COVID-19 gudaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa weli ah deeq bixiyaha ugu weyn isla markaana sabab u ah jawaabta caalamiga ah ee Soomaaliya.

Mareykanka wuxuu ugu yeeray deeq-bixiyeyaasha kale inay gacan ka geystaan dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaallamayo COVID-19.