Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo Maanta Doortay Madaxweyne

0
125

Waxaa Goor dhaw lagu soo gabagabeeyay degmada Dhuusa-Mareeb doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn loo hadal hayay guushiisa ayaa ugu danbeyntii loo doortay madaxweynaha Saddexaad ee maamul gobolleedka Galmudug isaga oo helay codad gaaraya 66 cod.

Axmed Cabdullaah Samaatar oo ahaa musharixii ugu soo dhawaan ayaa helay 9 cod oo kaliya halka labada musharax kale ee soo haray ay kala hellaan mid hal cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor