Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad oo Maanta Gaaray Magalada Baydhaba

0
100

Waxaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo Taliyaha cusub, qaybta Lixdanaad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ guuto; C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Tima Cadde), kaas oo beddeli doona taliyihii hore ee qaybta.

Taliyaha oo ay safarkiisa ku wehliyeen, Abaan duulaha cusub ee qaybta iyo saraakiil kale, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhoweeyay, taliyahii hore ee qaybta Gen; Ibraahim Yaroow , Abbaan-duulihii hore qaybta Lixdanaad ee Ciidanka Xoogga, Ismaaciil Khalliif Shire iyo Saraakiil kale.

Jeneraal Ibraahim Yaroow ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin imaatinka Saraakiisha iyo xilka loo soo Magacaabay, wuxuuna intaa raaciyay in Saraakiishan cusub ay horay isula soo shaqayn jireen, isagoo ku tilmaamay xubno howl-kar ah kana soo bixi doono waajibaadka loo igmaday.

Taliyaha cusub, qaybta Lixdanaad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed,S/ guuto C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Tima cadde), ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee Magaalada Baydhabo loogu sameeyay.