Jawaabtii Xukuumada Laga Sugaayey oo Gashay Wado Kale oo Qaldan.

0
47

Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, kaa oo dalka looga mamnuucay wakiilka gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom

Isaga oo la hadlay BBC ayuu Wasiir Cawad sheeegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Tallabadan ay qaaday dowladda ayaa ka danbeysay kaddib markii Wakiilka Qaramada Midoobey uu ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay jawaab cad ka bixiso wax yaabihii ka dhacay Baydhabo, xariggii Mukhtaar Rooboow, dad lagu dilay dibadaxyo iyo waliba ku dhawaad 300 oo shacab ah oo sida uu hadalka u dhigay la xir xiray.

Laakiin jawaabta dowladda Soomaaliya ayaa noqotay in uu dalka isaga baxo, waxaana qoraalka Wasaarradda arrimaha dibedda lagu sheegay in aan Nicholas Haysom dalka looga baahneyn.