Golaha Shacabka: Gef Dastuuri Ah oo u Baahan Wax Ka Qabasho Deg Deg Ah

0
154

Wasiiru Dowlaha Maaliyadda qaabkii uu wax uga yiri – maadaama aan la dhihi karin wuu ka jawaabay –su’aashii uu afka Maay-ga ku weydiiyey Xildhibaan Fanax waxay muujineysaa dulduleelada baarlamaanka federaalka iyo tayada mas’uuliyiinta qaarkood. Afka ama lahjadda, sidaa rabtid u dhig, Maayga sida tan Maxaa-tiridaba waa af rasmi ah oo dastuurka ku qoran oo xildhibaanada u ogolaanaya in aay fikirkooda ku cabiraan ama ku weydiiyaan su’aalo haddii aay rabaan in aay helaan xog u ogolaaneysa in aay gutaan waajibkooda xildhibaanimo. Mas’uulka la weydiiyo su’aal baarlamaanka dhexdiisa waxaa xaq loogu leeyahay in uu bixiyo jawaab, intii karaankiisa ah, ku saleysan run.

Sida uu qabo dastuurka ku meel gaarka ah qodobkiisa 5aad iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Cutubka 1aad, Qodobkiisa 1aad lambarka 4 oo labadaba leh:

Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.

Afafka rasmiga ah ee Goluhu waa Af-Soomaali (Maay & Maxaa Tiri), Afka Carabiguna waa afka labaad, sida ku xusan Qod.5aad (1) Dastuurka.

Xildhibaan Fanax isagoo gudanaya waajib qaran oo aay ka muuqatay in uu raadinayo in uu wax ka ogaado habraac muhiim ah oo la xiriira magacaabis hantidhowr iyo xurguf dano (conflict of interest) ayuu weydiiyey su’aal. Su’aasha waxay ahayd af Maay taasoo dad badan oo ku hadla aay xaq u leeyihiin in aay la socdaan xildhibaanadooda shaqada aay ka haayaan Golaha. Isaga, dadka uu matalo iyo golahaba waxay mudnaayeen in aay helaan jawaab. Jawaabtaas waxay keeni kari lahayd in lagu saxo khalad jira ama lagu cadeeyo isfaham la’aan jirta taasoo ahayd waajibkii xildhibaanka.

Waxaa fajac iyo amakaag ku noqday dadka sidii uu Wasiirka u hadlay. Wuxuu ku bilaabay “saaxiibkeey Fanax qolo kaluu la hadlaayey aan u maleynaa” waxaa xigay jumlado aan dhameystirneyn iyo qosol aan habooneyn oo sida ugu fiican ee loo fasiran karay aay tahay, ma garan wuxuu lahaa xildhibaanka, ama waxayba noqon kartaa su’aashiisa dan kama lihi taasoo ah xadgudub oo loo baahnaa guddoonka in uu soo dhex galo.

Qeybta yar ee fiidyowga ee aan arkay iima saamaxeynin in aan arko ama maqlo guddoomiyaha waxa uu yiri, hadii uu wax ka yiri arrinta. Sidaas darteed faallo kama bixinayo Guddoomiyaha wuxuu ka sameeyey.

Laakiin, haddii wasiirka uusan fahmin su’aasha si fudud waxay ahayd in uu weydiisto in loo turjumo, waxaan filaayaa Guddoomiyaha ama xildhibaan kale ama Fanax laftiisa in uu si fiican ugu turjumi lahaa. In uu yiraahdo su’aasha “waa kaa khasaartay” waa anshax xumo iyo jeesjees aan loo baahneyn. Xildhibaan Fanax waxaan leeyahay shaqo fiican ayaad heysaa Allah kula garab galo. Wasiirkana, ummadda waxay kaa fileysaa intaas wax ka fiican, ayaan leeyahay.

 

Abdulkadir M. Abow

abow@idirect.com