Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Wada Tashi La Leh Bulshada Rayidka Degmada Jowhar

0
52

Wasaaradda arrimaha dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gudigga Baarlamaanka federaalka ee la-sacodka dib-u-eegista dastuurka iyo gudigga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta dastuurka ayaa kulan wadatshi ah la yeeshay ururada bulshada rayidka ee magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd in bulshada Jowhar ay talooyinkooda ka dhiibtaan geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno badan oo ka mid ah Ururada Bulshada rayidka ee Hirshabeelle.

Sen Cabdi-qaybdiid iyo Avv Maxamed Cabdalla oo kala ah labada gudoomiye ee guddiyada baarlamaanka iyo gudigga madaxa-banaan ayaa sheegeen in kulankan uu bilow u yahay kulmo kale oo ka dhici doona dhamaan degmooyinka dalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wasaaradda iyo labada guddi ay ka go’antahay in ay dhageystaan talooyinka dadka Soomaaliyeed.