Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Amrey In La Joojiyo Dhismo Ka Socdey Degmada Xamar Jajab

0
77

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta warqad uu soo saaray si rasmiya ugu joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel gaabta ee degmada Xamar jajab.

Guddoomiyaha ayaa hay’adaha ay khusayso ku wargeliyey joojinta hawlaha dhismaha ee socda waxana uu tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in hantida qaranka si gaar ah looga faa’iideysto.

Maamulka degmada Xamar jajab ayaa sidoo kale la faray inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismaha ka socday, waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, si loo ilaaliyo hantida danta guud.

Guddoomiye Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in tallaabadni ka tarjumeyso siyaasadiisa ku aaddan ilaalinta hantida danta guud, lagana daba tegi doono dhammaan dhulkii danta guud ee haatan ku jira gacanta shakhsiyaad ama looga faa’iidaysanayo dano gaar ah.

Gudoomiye-Yariisow