Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo Sheegey In aysan Jirin Wax Caburin ah oo Lagu Xayo Mucaaradka

0
97

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir haddana ah La taliyaha dhinaca siyaasadda ee xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka.

Tarsan oo wax laga weydiiyay in caburin gaar ah iyo cadaadis lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda ayuu sheegay in uusan arintaan aaminsaneyn, madaama ayuu yiri qof walba xaq u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa.

Wuxuu sheegay in arinta xoriyadul qowlka micnaheedu aheyn in qofku isaga hadlo wixii uu doono, laakiin loo baahan yahay taa badalkeeda xad loo yeelo, isaga oo ku baaqay in aan laga shaqeyn arrimo iska horkeenaya bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar is xigxigtay xabsiga dhigtay siyaasiyiin mucaaradsan, waxaana ugu danbeeyay guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo xoghayaha xisbiga Siyad Cali, kuwaa oo shir jaraa’id ka sheegay in ay ka badbaadeen shirqool lagu dili lahaa, waa sida ay hadalka u dhiggeen.