Daawo: Lahayste Cabdulahi Sheekh Ismaaciil Ma Matallaa BiyoMaal.

1
65

Kulan kooxeed lagu sheegay in lagu nabadeynaayo beelaha Beelaha HabarGidir iyo BiyoMaal ee ku dagaalamay magaalada Marko ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho,Kulankan oo ay ka qaybgaleen xubno kasoo jeeda beesha HabarGidir gaar ahaan kuwa ku dooda inay wax ka degaan degmada Marka iyo Lahaystayaal kasoo jeeda beesha BiyoMaal oo horkacaya Siyaasiga deegaankiisa ku bedeshay nabad uu ku joogo magaalada Muqdisho Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil.

Kulankan oo Abaabulkiisa iyo Qabashadiisuba ay lahaayeen Shaqsiyaad kasoo jeeda beesha HabarGidir oo Lixdii sano ee lasoo dhaafay dagaal ka hurinaayay gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Caasimada gobolka magaalada Marko ayaa waxaa nasiib daro ah in kulankan uu qayb ka ahaa Siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo runtii inta aanu lahayste noqon ahaa Siyaasi Mug iyo Muuqaal weynba ku lahaa saaxada siyaasada Soomaaliya iyo waliba tan gaarka ah ee beelaha dega gobolka Shabeelaha hoose.

Sida ay sheegeen ka qayb galayaasha kulankan in kulankooda gogol xaal u yahay kulamo kale oo ay uga hadlayaan waxay ugu yeereen nabada gobolka Shabeelaha hoose.

Gobolka Shabeelaha hoose waa gobol inta degeni ayan maalina is dagaalin hurgufna haba yaraatee ayan dhexmarin tan iyo intii la unkay gobolka 45 sanadood ka hor hayeeshee waxaa hubaal ah in dagaalada gobolka ka jira magackasta oo loogu yeeraba ay yihiin dagaalo dadka deegaanka lagu barakicinaayo oo ay wadaan kooxaha duulaan ee beesha Hawiye si gaar ah Beesha kasoo duulaan tagtay gobolka Galgaduud ee HabarGidir.

Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil ayaa soo hadal qaaday inta uu goobta ku sugnaa Golaha deegaanka degmada Baraawe ee haatan howshiisu socoto waxa uuna ku hadaaqay in Beeshiisa iyo Beesha HabarGidirba laga qadiyay Golaha deegaanka degmada Baraawe taasi oo intii hadalkiisa dhegaysatay aad uga yaabisay.

Degmada Baraawe golaheeda deegaanka iyo weliba degmooyinka Todobada ah ee kale ee uu ka koobmo gobolka Shabeelaha hoose waxaa hubaal ah in reer Galgaduud(HabarGidir) ayan ku yeelan doonin wax xubin ah,Beesha BiyoMaalna aan loo qabandoonin Nin lahayste ah hadalkiis sida odayga Marada ka dhacday ee Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil,Xaqa walaalaha BiyoMaal ay ku leeyihiin gobolkooduna waa Muqadas oo lama taabtaan.

1 COMMENT

  1. Cabdulahi shekh waxa uu ka hadlay waa ra igiisa marka waxa laga raba dadka meesha u dhashey in aay dadalkan oo kale go aan kagaran sawabto ah soomaalida waxey u badatey KU QABSO KU QADIMEYSIDEE. dadka rer fadhiga haka kacan.

Comments are closed.