Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Federaalka oo Sheegtey in Ay Jiraan 1,576 Ruux oo Qaba Cudurka Juudaanka

0
60

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Fowsiyo Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in cudurkan ay qabaan dad gaaraya 1,576 qof, kadib baaritaano ay sameeyeen.

Waxa ay sheegtay dadka cudurkan qaba 187 qof oo ka mid ah in ay yihiin caruur, 93 Saddex oo ka mid ah uu cudurkan naafeeyay, waxayna tilmaamtay in cudurkan la yareyn karo hadii dadka ay soo raadsadaan dawooyinka.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay cudurkan dadka qaba inta badan in laga helay Gobolka Banaadir, Labada Shabeelle iyo Gobolka Baay, iyada oo sidoo kale sheegtay in baaritaan dheer ay sameyn doonaan.

Ugu dambeyntii Wasirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka qaba cudurkan ugu baaqday in goobaha caafimaadka ay tagaan, si loo siiyo dawooyin, oo ay ku bogsoodaan.