Dhegeyso: Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta oo Ka Warbixiyey Wiil Lagu Diley Xabsiga Dhexe

0
82

Taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa Faahfaahin ka bixiyay wiil dhalinyaro ah oo Xabsiga dhexe ee Xamar ku geeriyooday kasoo ka mid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in wiilkaasi uu geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Xasan Maxamuud Xasan ka dib markii ay is dagaalleen wiil ka mid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga.

Wiilka dhintay oo la soo xiray sanadkii 2014-kii ayaa ku eedeysnaa inuu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, waxaana lagu riday xukun sanado ah oo uu xabsiga ku qaatay, walina u dhinaa.

Maydka Marxuumka ayaa wuxuu yaallaa xarunta Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana lagu wadaa maanta oo Sabti ah in la aaso.

Taliye-ku-xigeenka-Ciidamada-Asluubta

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta Mobil