Ciidamada Dalka Kenya oo Howlgalo Ka Bilaabey Xadka u Dhexeeya Somaliya iyo Kenya

0
101

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa howlgallo ka wadda Xadka ay wadaagaan degmooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo oo ah labo degmo oo isa saaran.

Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan uu socon doono, islamarkaana lagu xaqiijinaayo Ammaanka degmada Mandera.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka cabsi qabto in ay kasoo gudbaan Xadka degmada Beled-Xaawo.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka degmada Mandera ayaa in ay heleen Xoggo ku saabsan in Al-Shabaab ay ka qorsheynaayaan Weeraro ka dhan ah degmada Mandera.

Shacabka degmada Baled-Xaawo ayaa inta badan cabasho ka muujinaayay howlgallada ay dowladda Kenya ka waddo Xadka labada Degmo.