Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dalka Kenya oo Maxkamada Hague Ka Dalbadey In Wada Hadal Lagu Dhameeyo Muranka bada

0
161

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay Jawaabteedii dacwaddii muranka Badda ee dowladda Soomaliya ay ug gudbisay maxkamadda Sanadkii 2015.

War Qaraal ah oo uu soo saaray Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayuu ku sheegay in Meesha ay Kenya ka taagan tahay dacwaddii Badda ay tahay sideedii islamarkaan ay jawaabtooda ku xuseen in muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya Kenya lagu xaliyo Wada- hadal.

Maxkamadda The Hague ayaa la filayaa in ay Sheegto Qaabka Dacwadda looga hadlo bilowga Sanadka 2018.

Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwadda ka dhan ah Dowladda Kenya oo kasoo gudubtay Xuduud Badeedkii Soomaaliya iyo Kenya u gudbisay The Hague Bishii July 13 keedii 2015.