GEEDOOW IYO YUUSUF WAA LOO GURMAN WAAYEY!

1
118

Ayadoo ay geeridu ay xaq tahay oo naf waliba maalinteeda sugeyso, ayaa haddana sabab la daba dhigay.

Waxa ugu horeeyo oo ay dadka is weydiiyaan kolka ruux bani’aadam dhinto gaar ahaan Soomaliya ayaa waxay tahay : YAA DILAY? MUXUU U DHINTAY? XANUUN MUU U DHINTAY AMA WAA LA DILAY? Kuwaasi waa su’aalaha caadiga ah ee dadku is weydiiyaan marka qof dhinto!

Yuusuf Mohammed Siid Omar iyo C/Qaadir Mohamed Sid Omar (Geedoow) waa laba wiil walaal ah, kana mid ahaa dhalinyarada deegaanka, waxayna degenaayeen dhinaca galbeed ee Degmada Afgoye. Labadan wiil waxay ka shaqeysan jireen boosteejada baabuurta ee Deg.Afgooye. Waxayna ahaayeen dad xoogooda ku shaqeysta, waxaana ku tiirsanaa familkooda.

Yuusuf waa aabe dhalay 3caruur ah iyo Geedoow oo ah aabe 7 caruur leh, waxay iska kaashan jireen sidii reerkooda iyo caruurtooda uga kaafin lahaayeen nolol maalmeedkooda , iyadoo familkooda oo ay ugu weyntahay Hooyadooda oo xanuunsan mas’uul ka saarnaa.

Taariikhdu marka ay aheyd 27.11.2017 xilli duhurnimo ah waxaa asigoo shaqadiisa ku jira la dilay Yuusuf Mohammed Siid Cumar, ayadoo goobta lagu dilayna ay tahay boosteejada weyn ee baabuurta Muqdisho aada laga raro. Waxaana halkaasi ku sugnaa ciidan canshuur qaadis uga qaabilsan Maamulka daciifka ah ee Degmada Afgoye, sidoo kale waxaa halkaas ku sugnaa kooxda Boosteejada xooga ku heysato kuna tumata gaadiidleyda ayagoo ka qaadanaya lacag baad ah oo aan ujeedadaa la garaneyn.
Waxaa mar 2aad taariikhdu marka ay eheyd 11.12.2017 isla goobtaas lagu dilay C/Qadir Mohammed Siid Omar (Geedoow) oo ah Marxuumkii hore walaalkiis, waxaana loo dilay isla tabtii lagu dilay Yuusuf, ayadoo xilliga la dilayna ay aheyd xilli duhurnimo oo waafaqsan xilliga walaalkiisa la dilay, sidoo kale waxaa halkaas ku sugnaa labada kooxood aan soo xusay oo u daawanayey sidii filim (Action) Polywoodka laga soo dhigay.

Waxaa Deg.Afgooye ka dhacay dilal badan oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana dhacda marka qof la dilo cidii doontaba ha dishee laga dareemi jiray gudaha Deg. Afgoye. Maamulka daciifka ah ee Deg.Afgoye ku sakaraadayo wuxuu isku dayi jiray marka dil Degmada ka dhaco inuu ku dhaqaaqo falal lid ku ah amniga oo ah qalqalgelinta shacab weynaha masaakiinta ah, asigoo u dira ciidama aan DISHIBILIIN leheyn oo soo qabqabta shacabka masaakiinta ah, waxayna inta badan beegsadaan xaafado gaar ah sida Damaleey iyo qaar ka mid ah 21.Oktoobar, waxayna soo qabqabtaan dadka masaakiinta ah Masaajida u socda iyo kuwa kale ku dhex jira hawlahooda shaqo, waxayna warbaahinada u sheegaan inay hawlgal balaaran ka sameeyaan gudaha Deg.Afgoye.

Haddaba dilka Yuusuf iyo Geedoow muxuu kaga duwan yahay dilalkii hore uga dhici jiray Deg.Afgoye?!! Yaase ka dambeeyey dilkooda? Waa 2ba su’aalood aad muhiim u ah una baahan si qoto dheer in loo eego. Sida aan kor ku soo xusnay dilka 2dan marxuum wuxuu ka dhacay goob ay suurta gal aheyn in uu baxsado ninkii dilka geystay ama ugu yaraan la aqoonsan waayo.

Xilliga dilka dhacay waa xilli duhurnimo ah waa xilliga ay ugu mashquul badan tahay boosteejada ,waxaa halkaas ku sugnaa ciidamo maamulka u qaabilsan canshuuraha boosteejada, waana ciidan hubeysan oo awood u leh inay daba galaan dadka dilka geysta. Ciidamada ma sameynin wax dhaqdhaqaaq ah xitaa ma isku dayin in ay daba galaan ama xitaa xabad ku ridaan, sida dhici jirtay marka qof la dilo oo halkaasna ciidan ka ag dhow yihiin. Arrinta kale ee shakiga dhalin karta ayaa waxay tahay awood intee la eg ayey lahaayeen 2dan marxuum?

Sida aan ognahay boosteejada waxaa ka arrimiya dad gaar ah oo isku baxeystay in ay shacabka dhacaan, ayagoo garab ka helaayo Maamulka Qooto Qootada ah ee Degmada ka dhisan, ayadoo wiilasha la dilayna ay iska ahaayeen dad halkaas isaga shaqeysto wax door weyn ahna ku leheyn boosteejada, sidoo kale guddiga gaadiidleyda oo ka arrimiya boosteejada kama aysan hadlin ayagoo wiilsha la dilay ka tirsanaayeen gudigaas, maadaama boosteejada ka shaqeystaan.!!! Arrimaahas oo dhan waxay keeni karaan shaki weyn oo laga qaadi karo dilka wiilshaaa walaalaha ahaa.

Haddaba sideey uga jawaabeen bulshada Reer Afgooye dilka Geedoow iyo yuusuf?! 2dan marxuum haba yaraatee wax dareen ah kama muujin shacabka ku dhaqan Deg.Afgooye aan ka aheyn Allah u naxariisto, ayadoo waxa laga filan karo ay eheyd in shacabka ka dhiidhiyo arintaas. Ilaa iyo haddana cid soo hadal qaaday ma jirto waxayna noqdeen dad waxay u dhinteen iyo waxa loo dilay midna la iska weydiin!! Taasi waxay muujineysaa in dadka cadaadis weyn saaran yahay, ay cabursan yihiin, halka dadka dulsaarka ku ah Degmada xayawaankooda xitaa la qaniini karin.

Dilka loo Geeystay Yusuf Maxamed Siid Omar iyo Abdulqadir Mohamed Siid Cumar (Geedoow) wuxuu ka mid yahay dilalkii ugu foosha xumaa ee soo mara Deg.Afgoye, waxaana mas’uuliayadaas iska leh Maamulka Degmada Afgoye maadaama ciidamadooda halkaas ka ag dhawaayeen , misna sheegta in ay amniga ka shaqeeyaan, ayadoo wax dareen ah ka muujin arikaas, sidoo kale kooxda gaadiidleyda oo ka taliya Boosteejada mas’uuliyadda ugu weyn ayaga ayaa qaadayo, sababtoo ah way ka danqan waayeen, taasoo muujineysa in ay ku faraxsanyihiin hadii ay ayaga ka dambeyn!!!

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Degmada ugu matala DFS waxay qeyb ka noqon doonaa mas’uuliyadda dilka maadaama ay ka hadli waayeen, xitaa ma ayasan la xiriiri familka laga dilay wiilasha oo caruurtii agoonta ehyed madaxa gacanta ka saari wayeen ¡! halka dadka kale tuugooda xitaa dhiigiisa beerdara noqoneynin!! Arrintaan waxay noqon doontaa arrin aan la isaga hari doonin wayna socon doontaa ilaamaa la helo cidda mas’uuliyadda qaadi leheyd.

Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqaynaa shacabka in ay ka dhiidhiyaan falalka wuxuushnimada ah, isu gurmadaan, xitaa hadal ku taageeraan haddii ay wax kale awoodi waayaan.

Waxaan ku soo gabagabeyneynaa warbixiteena hadal hadda ka hor laashin reer Afgoye ka yiri arintaan oo kale, ka dib markii dad ka mid bulshada dhib loo geystay, dabadeedna ay dadkii awoodi waayeen inay xiligaas wax ka dhahaan dhibka loo geystay oo midkii falka sameeyey si dareen la’aan bulshada ugu dhex noolaa. “NINKII GIBILKEEYGA GAMUUN ULA GAARTAY, GU’LOONBA HA GAARTEE LAGAA GUDA WAAYE!!” WAXAA TAAS HADDA LA MID AH DILKA GEEDOOW IYO YUUSUF OO LOO GURMAN WAAYEY WAXAY NOQON DOONTAA ARRIN AAN LA ISAGA HARI DOONIN!!

W/D: GUDDIGA ISKU XIRKA BULSHADA REER AFGOYE

1 COMMENT

  1. ILAAHEEY marxuumiinta ha an naxariisado, xaqshoona ILAAHEEY ma qariya doono INSHA’ALLAAH.

    Tan kale sadii la’an dhihiwa “NINKII GIBILKEEYGA GAMUUN ULA GAARTAY, GU’LOONBA HA GAARTEE LAGAA GUDA WAAYE!!”

Comments are closed.