Dhegeyso Xildhibaan Sheegey In Shariif Xasan Waqtigiisa uu Gabagabo Yahay Maalmaha Soo Socdana Ka Degi Doono Masraxa Siyaasada

0
69

Tan iyo intii shariif Xasan uu taageerey xulufada sacuudiga iyo imaaraadka ayaa magalada muqdisho waxaa ka bilowdey qaban qaabo looga soo horjeeda Shariif Xasan lana rabo in kursiga lagaga tuuro.

Shirar kala duwan oo ay xildhibaanada koonfur galbeed ku yeesheen maalmihii lasoo dhaafey magalada muqdisho ayaa waxaa soo if baxayey in xalka uu ka duwan kii hore maadaama dhowr jeer ay xildhibanada isugu dayeen in ay tuuraan Shariif Xasan balse markii dambana uu kala fur furayey

Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay u midoobeen sidii ay xilka kaga qaadi lahaayeen Shariif Xasan.

Xildhibaanka ayaa sheegey in 16 bishan ay ku balansan yihiin kulanka baarlamaanka isla markaana looga doodi doono qodobkii shariif xasan lagaga saari lahaa masraxa siyaasada oo uu in badan ku burburinaayey sharafta iyo dowladnimada umada somaliyeed.

Xildhibaan Dhubadna hadaladiisa waxaa ka mid ahaa.

xildhibaanda Koonfur galbeed

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

xildhibaanda Koonfur galbeed Mobil