Dowlada Federaalka Somaliya iyo Suudaan oo ka Wada Hadley Xoojinta Xiriirka Labada Dal

0
66

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa xalay kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Sheekh Nuur Maxamed Xassan, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.