Dhegayso…Warbaahinta Maanta iyo Mukhtaar Rooboow

0
88
Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur illaa hadda waxaa uu ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada, isaga oo  ka soo jeedaa beesha Leesaan oo ka tirsan Digil iyo Mirifle ee degta gobollada Bay iyo Bakool.
Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa sida aan soo sheegnay bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag.
Mareykanka waxaa ay sheegeen in $7 Milyan dul dhigeen aasaasaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, $5 Milyan ragga kala ah Ibrahim Xaaji Jaamac, Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamud iyo Mukhtaar Roobow halka $3 Milyan la dul dhigay Zakariye Ismaaciil Xersi iyo Cabdullahi Yare.
Bilowgii Xarakada,  Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan.
Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool.
3dii sano ee ugu dambeysay waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, tilaabadan looga laabtay lacagta la dul dhigay waxaa ay soo dedeji kartaa in uu dowladda federaalka ah isku dhiibo.
Al-shabaabta kale:  Sheekh Mukhtaar  Abuu Mansuur wixii ka dambeeyay 2013-kii waxaa uu ka mid ahaa Al-shabaabta aan raacsaneen Axmed Godane.
Kooxdan waxaa ku jiray Ibraahim Afgaan, Abuu Mansuur Al-Amriikii, Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo qaar kale, waxaa ay Xarakada Al-shabaab uga goosteen Shabeellada hoose, qaarkood magaalada Marka ayey doon ka raaceen, qaarna Baraawe iyo Mukhtaar Roobow oo aadey dhulkii uu ka soo jeeday.
Halkan riix si aad u dhegaysato