War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeele oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Madaxweynaha Maamulka Hirshabele

0
44

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala laabtay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

68 xildhibaan ayaa ogolaatay in ay kalsoonida kala noqdaan Cali C/laahi Cosoble,sidaasi ayuuna xilkiisa ku waayay.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sii haynaya xilka uu baneeyay Cali C/laahi Cosoble.

In ka badan 10 Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda Hirshabeelle ayaa shalay is casilay, kuwaasi oo sheegay in Cosoble uu mugdi geliyay Hirshabeelle, sidoo kalena aysan shaqo ka socon degaanada maamulkaasi.