War Deg-Deg ah; Eng.Saalah oo iska Casilay Xilkii uu Shariif u Magacaabay.

0
57

Wasiirkii hore Howlaha Guud iyo Guriyaynta Eng.Saalah Sheekh Cismaan ayaa waxa uu maanta bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay Warsaxaafadeed cinwaana uga dhigay “In anaan qaban Xilkaas”.

Sida qoraalka ka muuqdo Eng.Saalah Sheekh Cismaan waxa uu dhaliilay xilka uu Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Shariif Xasan u magacaabay Axadii tagtay oo ahaa Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyaynta Maamulka KoonfurGalbeed.

Qoraalka Eng Saalah ayaa sidan u qornaa:

War Saxaafadeed :In anaan qaban Xilkaas
________________
Isbadal ayaa dhawaan lagu sameeyay Golihii Wasiirada Dawlad Goboleedka K/Galbeed, wajiyada cusub ee Maamulkaasi lagu soo kordhiyay ayaa magaceyga ka dhex arkay, anigu xilligaan Wadanka waa ka maqan ahay, hawlo Qaran ayaa u joogaa Dalka dibadiisa, dadaal waxtar leh oo Soomaaliya lagu hormarinaayo ayaa ku hawlan ahay.

Mabda’ ahaan waxaa iga go’an inaan mar walba u adeego ummadda Soomaaliyeed, wey mahadsan tahay ciddii aniga oo maqan xilkaasi igu sharaftay, marka aan qiimeeyay marxalada la joogo waxaa ii soo baxday inaan qaban xilka laygu magacaabay ee ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka K/Galbeed sabbabo jira awgood.

Anigoo jecel Qaranimada, Wadajirka iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed ayaa guud ahaan shacbigayga waxan u rajaynayaa Nabad, Guul iyo Barwaaqo.

Mahadsanidiin.

Inkasta uu Eng.Saalah sheegay in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay ayaa hadana dhanka kale warar ay helayso Daafeet.com waxay warinayaan inuu Eng Saalah uu Xilkan isaga weydiistay Shariif Xasan inuu u magacaabo dadaal badana ku bixiyay inuu ka mid noqdo xubnaha golaha Wasiirada Maamulka KoonfurGalbeed,Hayeeshee warkan kasoo yeeray Eng Saalax ayaa waxa uu u muuqdaa mid yimid kadib kolkii ay asxaabtiisa ay ku mideysnaayeen carqaladeynta Maamulka KoonfurGalbeed culays ku saareen in aanu qaadan xilkana talo ku siiyeen.

Si kasta oo ay ahaataba Qoraalkan uu Eng Saalah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa aad uga dhadhamaya Liidmo iyo Yareysi uu yareysanayo u shaqaynta Ummadda KoonfurGalbeed oo runtii maanta samatabixin u baahan.