Alshabab oo Laba Gaari Ku Gubey Magalada Mandheera ee Dalka Kenya

0
46

Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday magaalladda Mandera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.

Kooxda ayaa gubtay laba gaari, waxaana la wariyay in khasaare xoog badan uu ka dhashay weerarka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin inta ay la egtahay tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha dalka Kenya.

Guddoomiyaha Mandera Fredrick Shisia, ayaa xaqiijiyay weerarka saaka ka dhacay Waqooyi bari dalka Kenya.

Shan maalin kadib dalka Kenya waxaa ka dhici doona doorashooyinka madaxtinimada ee dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ay qalalaaso xooggan ay ka dhashaan.