Aqriso: Madaxweynaha oo Magacaabey Gudiga Taakuleynta Ciidanka Qaranka

0
86

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada, ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana ay isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimmo, iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiye-ha Guddiga, Halka Shiikh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeen.