Falanqayn:Golaha Wasiirada K/G Isku Shaandheyn mise Baandheyn?.

0
54

Waxaa wax loogu yeeray Isku Shaandheyn uu todobaadkan ku sameeyay Madaxweynaha maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan golihiisii wasiirada oo soo dhisnaa in ka badan laba sanadood,Mudadii labada sano ahayd ee uu golaha dhisnaa ayaa waxaa hoosta laga wada xariiqay in aanu wax la taaban karo aanu qaban kolka laga reebo in aad u tira yar oo golahaasi ka mid ahaa oo iyagu wax u eg dhaan dabagaale qabtay.

Ka sokow wax qabad la’aanta golaha waxaa wehliyay tira badnaan halka qaar ka mid ah golahana ay si toos ah iyo si dadbanba u wadeen qorshooyin ka dhan ah maamulka iyadoo sidoo kalena laga wada dheregsanaa in qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada maamulka KoonfurGalbeed ay ahaayeen kuwo kuraasta ay ku fadhiyeen markoodii horeba ku helay Ku qabso ku qadi meyside taasi oo sahashey inay lugooyaan maamulka awalba fadhiidka ahaa ee uu Shariif horboodayay halka sidoo kalena jireen xubno qaab nabadoonnimo ku hantay kuraasta oo iyaguna gaabiska qayb ka ahaa.

Intan aan soo sheegay iyo inkabadan oo dhibaato ahaa oo ay maamulka ku qabeen Shacabka dega KoonfurGalbeed hadana waxay guntiga dhiisha isaga dhigeen sidii ay ugu fara adeegi lahaayeen maamulkooda isla markaana ugu dhiira gelin lahaayeen inuu wax ka qabto dhibaatada maamul ee haysata ummadda iyadoo aan loo eegin Mucaarad iyo Muxaafad.

Guuxa bulsha weynta,Codka waxgaradka iyo waayaha oo isbiirsaday waxay keeneen inuu maamulka Shariif ka jawaabo dhawaqa ummadda kuna dhiirado ugu yaraan inuu talaabo horey u qaado rajana geliyo Mucaarad iyo Muxaafad oo guud ahaan ku taamaya inay u madax banaanaadaan maamulkooda helaana Cadaalad iyo Sinaan si loo gaaro rabitaanka Shacabka oo ah horumar waara oo laga gaaro qaybaha kala gedisan ee nolosha Dadka iyo Duunyada reer KoonfurGalbeed.

Jawaabtii Shariif ayaa waxay noqotay in maamulka laysku Baandheeyo(Shaandheeyo) halkii ladoonayey in la dhiso maamul hanan kara howlaha baaxada leh ee ay maamulka ka tabayaan reer KoonfurGalbeed,Ha yeeshee wax walba waxbay dhaamaan xitaa isku Baandheynta waxay muuqaal u noqotay in golaha lasoo koobo muuqaalkiisuna uu u ekaado muuqaal maamul ay leeyihiin reer KoonfurGalbeed lana soo yareeyo awooda labada kooxood ee ragaadiyay geedi socodka maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya.

Waa talaabo dhiira leh isla markaana loo qaaday dhanka saxa ah loona baahan yahay in horey loogu sii socdo oo aan dib looga laaban ilaa la gaaro hiigsiga ummadda KoonfurGalbeed.

Qalinkii
Abdiaziz ShSalah