Gudoomiyihii Golaha Shacabka Somaliland oo Is Casiley

0
35

Waxaa goor dhaw si rasmi isku casilay guddoomiyihii gollaha wakiilada Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, kaddib kulan magaalada Hargeysa ay ku yeesheen xildhibaannada gollaha wakiilada.

Kulanka gollaha wakiilada ayaa waxaa maanta soo xaadiray 71 mudane, kaddib markii maalintii shalay lagu wargaliyay is casilaada guddoomiyaha.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay cod u qaadaan Is-casilaada Cirro, waxaana ogolaatay 70 mudane in uu iscasilo.

Xildhibaanada ayaa hadda leh kulan ay kaga hadlayaan sii socoshada howlaha baarlamaanka, madaama uu meesha ka baxay guddoomiyihii gollaha.