Yaa Fashiliyey Kulankii Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Ingiriiska Iyo Shariif Xasan

0
110

Kulan ka dhacay magalada london maalintii jimcaha taariikhduna aheyd May 12 2017 oo lagu wadey iney ka qeyb galaan guud ahaan jaaliyada koonfur galbeed somaliya kuna qaabilaan madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Adan oo magalada london usoo gaarey shir weyninihii somalida loogu qabtey may 11 2017 ayaa ugu dambeyn fashil ku dhamaadey.

Kulanka oo abaabulkiisa hore ay lahaayeen gudi ka kooban qeybaha kala gedisan bulshada koonfur galbeed ee ku dhaqan magalada london ayaa ugu dambeyn soo kala dhex galey kala duwanaansho fikradeed oo ku aadan qaabka iyo sida loo maamuusayo Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib kolkii qaar ka mid ah gudiga ay farta ku godeeen wafdiga shariif xasan uu hogaaminayey ee yimid magalada london.

Wefdiga madaxweynaha oo ka koobnaa ilaa afar xubnood ayaa afartuba waxaa ay ahaayeen qoyska madaxweyne Shariif Xasan wexeyna kala ahaayeen Maxamed C/laahi Mursal, gabar uu Aasaga Dhaley, iyo Cali shaameey.

Khilaafkaas soo kala dhex galey gudaha jaaliyada koonfur galbeed ee reer london ayaa waxaa uu fursad siiyey Munye Said Omar oo guud ahaan afduubtey kulankii loogu tala galey in lagu soo dhaweeyo shariif xasan.

Munye Said Omar oo ah nin kasoo jeeda degmada baraawe ee gobolka shabelaha hoose oo haatan ah caasimada koonfur galbeed ee mustaqbalka ayaa waxaa lagu xasuustaa dhacii uu u geystey hantida umada somaliyeed burburkii ka dib isagoo sidoo kalana in door ah dadaal dheer u galey sidii uu dhaqaalihii uu ka heley hantida umada uu ugu adeegsan lahaa si uu u helo mansab siyaasadeed.

Tani waxey u aheyd Munye fursad uu ku raadinaayey hamigiisa waalida ku dhisan ee cid uu wakiil kaga yahayna aaney jirin ee uu ku baadi goobayo mansabka siyaasadeed.

Hadaba kulanka ayaa waxaa lagu qabtey meel maxkamad ah waxaana kasoo  qeyb galey  dad lagu qiyaasey ilaa afartameeyo kuwaasi oo kolka laga reebo tiro ilaa 7 xubnood ah ay ahaayeen odayaal u afduuban Munye kuna beel ahaa, Kulanka oo asalkiisa ahaa in xog wareysi iyo xaaladaha jira iyo weliba in talo iyo tusaale lagu siiyo maamulka ayaa ugu dambeyn fashil ku dhamaadey kadib kolkii ing Munye oo xitaa diidey in ay goobta ka hadlaan shaqsiyaad koonfur galbeed ahaa oo yimid kulanka oo aan kasoo jeedin beeshiisa.

Shaqsiyaadka uu Munye u diidey in ay goobta ka hadlaan ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan ka tirsan maamulka koonfur galbeed oo lagu magacaabo C/qaadir Dhaga Cade isagoo sidoo kalana shaqsiyaad uu fursada u siiyey iney meesha ka hadlaan uu ku qasbey iney amaanaan Munye welina ay ku hadlaan lahjada Maxaaga waxaana ragaasi ka mid ahaa Cali Cabdi Baab Iyo Cabdikariin Yaanyuurow oo isaga maxaaga uu Munye ku qasbey ku hadley

Talaabadan uu Munye ku Majar habaabiyey kulankii shariifka iyo jaaliyada koonfur galbeed ee london ayaa waxaa ay aad uga careysiisey dhamaan jaaliyada reer koonfur galbeed ee ku dhaqan magalada london, Halka dadka qaarkiina ay sheegayaan in kulankaas uu ahaa kulan u dhexeeya Ashraaf bin calawi iyo Asharaaf sarmaan taasina ay keentey in kulankaasi ku dhamaado fashil.

Maamulka Shariif Xasan ee magalada baydhabo oo aan wax kalsooni ah ka heysan gudaha iyo dibada dalka ayaa dhanka kalana hadana waxaa muuqanaya in dambiilayaal dalka iyo dadkaba gatey in ay weli u sacaba tumayaan.