Shirkii Todobaadlaha Ahaa ee Golaha Wasiirada oo Arimo Dhowr Ah Looga Hadley

0
22

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, dardargelinta Qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugisyada Sare, Shirka London, bilicda caasimada iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sheegay in la bilaabay dhaqangelinta go’aanadii ay horey golaha wasiirada u gaareen ee Qorshaha Amniga Muqdisho oo ciidankii isku-dhafka ahaa la xareeyey, tababrna u socdo dhowaana bilaabi doonaan howlgalka sugida amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada diyaarinta sharciyada muhiimka u ah dowlad wanaaga iyo sidii ay xukuumadu u gudan laheyd waajibaadka loo igmaday. Wasiirada ayaa ka warbixiyey sharciyada ay diyaariyeen oo dhowaan golaha wasiirada la horgeyn doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa golaha uga warbixiyey go’aanadii ka soo baxay shirka London ee 11kii May 2017 iyo baahida deg-dega ah ee loogu baahan yahay in dabagal joogta ah lagu sameeyo dhaqangelinta go’aanadaas. Golaha ayaa u mahadceliyey Dowladda UK oo shirkaas soo abaabushay iyadoo shirku uu ahaa mid ay Soomaali la tagtey ajandaha iyo qoryshaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada.

Sidoo kale Wasiirada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhiga iyo Ganacsiga ayaa laga dhageystay warbixino la xiriiro shirarkii gaar-gaarka ahaa ee London ka dhacay inta uu shirka socday.

Shirkan London ayaa aad uga duwanaa shirarkii hore oo Madaxweynaha Soomaaaliya Mudane Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo cod iyo aragti mideysan ku tagay shirka, tanoo caalamku aad u ammaanay. Shirkan waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya iyo Caalamka ay wada fuliyaan go’aanada ka soo baxayo iyadoo la isla xisaabtamayo.