Roob Lagu Diirsadey oo Xaley Ka Da’ay magalada Muqdisho

0
49

Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa xalay fiidkii ilaa xilli dambe waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka.

Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, waxaana Roobka uu biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Roobabkan ayaa la sheegayaa in uu geystay khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed, maadaama ay ahaayeen kuwo xoogan, oo mudo saacado ah Da’ayay.

Inta la ogyahay Saddex Qof ayaa Degmooyinka Warta-nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ugu geeryootay Roobabkii xalay ka Da’ay Magaalada Muqdisho.