Daawo:Deeq Raashin Ah oo Loo Qeybiyey Shacabka Ku Nool Deegano Hoos Taga Degmada Wanleweyn

0
95

Deeq raashin ay ayaa maalintii shaley lagu qeybiyey deegaanada hoos taga degmada wanle weyn ee gobolka shabelaha hoose.

Goobta Raashinka lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Ku xigeenadiisa amniga iyo Maaliyadda, Maamulka degmada iyo saraakisha Cidanka, waxaana Deeqda Raashinka oo Ka Koobned Bur baris Sokor Caano iyo Dawo Loo qeybiyay 400 (afar boqol) oo qoys danyar ah oo kunool Deeganka Sharee oo Hoostaga Degmada Wanlaweyn.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shegay In qeybinta rashinka ay diirada saari doonaan tuuloyinka, Madama Degmoyinka horay loo gaarsiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Sidoo Kale kormeer ku sameyay Waddada xiririsa Afgooye iyo Wanlaweyn waxa uuna sheegay In weli waddadaas ay yaalan Isbaaroyin lacago looga qaado Gaadiidka.

Guddoomiyaha Degmada Wanlweyn Maxamed Siidow ayaa asna dhankiisa sheegay in deeqda la gaarsiyay dadkii Loogu talaglay.