Ciidan Mushaar La,aan Dartiis Ula Wareegey Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga

0
28

Ciidamo la sheegay inay ka cabanayaan Mushaar la’aan ayaa la wareegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo ku taallo Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidankaan oo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya ayaa la sheegay inaysan qaadan wax mushaar ah, xilli hadda uu socdo bixinta Mushaaraadka ciidanka Xoogga dalka guutooyinkooda kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa u sheegay in Ciidankan oo fara badan ay la wareegeen dhismaha xarunta Wasaaradda, sidoo kalena ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala.

Waxaa la sheegay Saraakiisha Millitariga inay isku dayayaan xalinta ciidankaan mushaarka ka cabanaya.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo ay ku kacaan fal noocan oo kale ah ciidamadan la sheego iney yihiin ciidanka xooga dalka somaliyeed, Balse waxaa xaqiiq ah in ciidankan ay dhamaantood horey uga mid ahaan jireen maleeshiyo beelyadii dalka dhibta ku heyn jirey.