Xildhibaano Ku Bahoobey Madasha Hor U Socodka oo Maanta Kulan Ku Yeeshey Magalada Muqdsiho

0
32

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, Xildhibaanadii ku bahoobay madasha Horay u socod, ayaa waxa ay ku beeniyeen inay yihiin mucaarad qorshahoodana uu yahay inay dumiyaan Dowladda cusub.

Xubnahan oo kulanka isugu yimid Hotelka Muqdisho Guest House, ayaa waxa ay ku sheegeen in qorshahooda uu yahay madal la doonayo in looga dhamaado Qabyaaladda islamarkaana lagu joojiyo ,waxaana ay ku dareen in aysan iyaga ahayn Dowlad Dumis.

Madashan ayey sheegeen in ay tahay madal ay leedahay umadda Soomaaliyeed islamarkaana uu ka qeyb geli karo qofkasta oo Muwaaddin Soomaaliyeed ah.

Xildhibaanadan ayaa maalmo ka hor Nairobi kaga dhawaaqay madashan cusub, taasi oo dareen galisay madaxda Dowladda, maadaama xubnaha hormuudka u ah madashan qaarkood ay horay u waayeen xilal Dowladeed oo ay u tartameen.