Nabadoon Maanta Lagu Diley Degmada Waaberi

0
39

Koox hubeysan ayaa maanta degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay nabadon lagu magacaabi jiray C/qaadir Xuseen.

Dilka nabadoonka waxaa uu ka dhacay xaafadda Ansalooti ee degmaddaasi, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Maxamed Ugaas C/qaadir oo ah wiilka marxuumka geeryooday ayaa sheegay in wiilal dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado ay madaxa ka toogteen Aabihiis xilli uu ku sugnaa meel u dhow buundada Ansalooti dhanka degmadda Waabari.

Ciidanka dowladda oo soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo balse uma suuragelin in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka geystay.