Faallo…Farmaajow ma aadan fahmin dhawaqa reer Afgooye(Shabeelaha hoose)!

0
52

*Horudhac

Isfahamku amaba afgaradku waa shey muhim u ah wada noolaashaha uumiyaha tiiyoo asal ahaana aan ummadduhu ka maarmayn inay yeeshaan qaab ay isku afgartaan kuna dhisantaan qaabka ugu haboon ee ay ku maareyn lahaayeen nololshooda.

Hadaba waxaa maanta booqday degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose Madaxweynaha Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo,Inkasta oo booqashadan lagu sheegay inay ahayd u kuurgalida xaalada ay ku nool yihiin dadka ku dhaqan degmada Afgooye iyo waliba si guud ummadda ku nool gobolka Shabeelaha hoose ayaa hadana waxaa aad looga dareemi karey wafdiga Madaxweynaha in booqashadoodu ay la xiriirtay howlo u badan dhanka Ciidanka Dowlada Fedraalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose oo maanta runtii ah dhibta ugu badan ee ay reer Shabeelaha hoose ka cabanayaan Shabaab ka hor.

Ciidanka Dowlada Fedraalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose ayaa ah Maleeshiyo beeleed laga soo ururiyay maamulada HirShabeele iyo Galmudug si loogu gumaado ummadda ku nool Gobolka Shabeelaha hoose iyadoo weliba loo maray nidaamka Dowliga ah loona soo labisay Tuutihii ciidanka qaranka si loogu fushado dano beeleed,Maleeshiyo beeleedkan aan soo sheegay ee ku labisan dareeska ciidanka Qaranka ayaa Shacabka ku dila deegaanadooda,U dhigta Isbaaro maalin Cad,Kufsada Haweenka,Booba Hantidooda,Handada sidoo kalena Barakiciya maatidada iyadoo aan weliba jirin Dowlad ka qabata.

*Kulanka Madaxweynaha.

Hadaba booqashada Madaxweynaha oo qayb ka ahayd la kulanka Dhaqanka iyo Qaybaha kala gedisan ee bulshada ayaa si saraaxad leh madaxweynaha waxaa loogu sheegay oo reer Afgooye iyagoo ka turjumaaya dhamaan Shacabka Shabeelaha hoose u sheegeen Madaxweynaha dhibaatooyinka ay qabaan gaar ahaan kuwa ay ku qabaan Maleeshiyo beeleedka maanta loogu yeero Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka.

Madaxweynaha oo muujinaayo inuu dhegaystay reer Afgooye fahmayna dhibtooda ayaa waxa uu sheegay in Afgooye ay u baahan tahay Dib u Heshiisiin,Dib u dhis iyo Dagaal lala galo Shabaab, Hadaladan kasoo yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka yaabiyay intii maqashay ee Goobta joogtay iyo intii saxaafadu u Tabisayba oo anigana aan ka mid ahay waxaana isweydiiyay siday wax u dheceen halka is faham daridu ka jirto malahayga waxaa ii soo baxay in Madaxweyne Farmaajo aanu fahmin dhibta reer Afgooye ka haysata kooxaha Duulaanka oo ay ka cabanayaan (Maleeshiyo Beeleedka labisan Dareeska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose)!.

*Milicsiga Taariikhda.

Madaxweyne degmada Afgooye iyo gobolkeeda Shabeelaha hoose waxay ka mid ahaayeen 11kii gobol ee dalka Burburkii ka dib gacanta u galay Kooxdii Dhulboobka iyo Burburka ee USC,Waana la socotaa Rubuc Qarni ka dib in maanta ay kooxdaasi kaliya gacanteedu ku jiraan Gobolkan Shabeelaha hoose iyo Caasimada magaalada Muqdisho dowladaadana looga fadhiyo inay dhamaystirto halganka Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhisan helida Cadaalad,Sinaan,Nabad iyo Horumar ay kuwada noolaadaan guud ahaa ummadda Soomaaliyeed.

Halgankii adkaa ee ay Ummadda Soomaaliyeed la soo galeen kooxdan ayaa haraadigeedu maanta wuxuu dulsaaran yahay oo kaliya Shacabka Shabeelaha hoose iyo kan Caasimada,Halgankan Madaxweyne waa mid ummaddu ay ku soo bixisay qiime aad u sareeya kagana soo saartay Gobolada Hiiraan,Shabeelaha dhexe,Gedo,Bakool,Baay,Jubada dhexe,Jubada hoose iyo qaybo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug kooxihii ummaddu ku soo duulay mana filaayo Madaxweynow in Shacabka gobolka Shabeelaha hoose iyo kan Caasimadu ay ka baaqsanayaan heleda xuquuqdooda maanta.

*Dib u Heshiisiin.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka dhawaajiyay sida uu u fahmay dhawaqii kasoo yeeray Qaybihii bulshada ee horfadhiyay inuu ahaa inay u baahan yihiin Dib u Heshiisiin la dhex dhigo dadka reer Afgooye(Shabeelaha hoose)…..Waxaan leeyahay Madaxweyne reer Afgooye(Shabeelaha hoose) haba yaraatee dhibaato ma dhex taalo dhexdooda ha yeeshee waxaa gobolkan ka jira Maleeshiyo Beeleed dhulka ku habsaday kuna yimid Duulaan dharka Ciidanka Xooga dalkuna uu u geliyay maamulkii kaa horeeyay loona baahan yahay in aad ummadda ka dulqaado!

*Maamuladii soo marey gobolka.

Gobolkan Shabeelaha hoose burburkii kadib ilaa laga soo gaaro sanadkii 2000 Dowladii Carte waxa uu ahaa gobol ay Shaqsiyaad ku hardamaan waxaana laga xasi karaa Sigane,Ilqayte,Xaaf iyo Deylaaf, waxaana markii ugu horeysay ee Nidaamkan Beelaha Duulaanka ka dhaqan galay gobolka Shabeelaha hoose xiligii Dowladii Carte ee Cabdulqaasim Salaad uu madaxweynaha ka ahaa waxaana xiligaas taliyihii ciidanka Xooga Dalka Gen.Naaji uu ku guul dareystay inuu isku furo Afgooye iyo Xamar oo tiilay xiligaas 48 Isbaaro kadibna waxaa heshiis wada galay Madaxweyne Cabdulqaasim iyo Xildhibaanadii iyo Wasiiradii gobolka oo ay hada qaar ka mid ah noolyihiin waxaana ka xasuustaa oo nool Cabdiraxmaan IBBI,Saalim Caliyow Ibrow iyo Khaalid Cumar Cali waxayna ku heshiiyeen si loo furo wadooyinka gobolka in uu Madaxweyne Cabdulqaasim uu Maleeshiyo Beeshiisa ah uu usoo diro gobolka ayna Isbaaro sifayn iyo Nabad ay gobolka ka abuuri doonaan Maleeshiyadaasna waxaa hogaaminayay Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.

Galidii Indhacade ee gobolka Shabeelaha hoose waxay noqotay mid usii xuub siibata in Sideeda degmo ee Gobolku ay taladoodii boobaan Qabqablayaal isku wada beel ahaa uuna kor ka ilaalinayay maamulkii Carte ee Madaxweyne Cabdulqaasim Salaad Xasan ilaa Xoogagii Maxkamaduhu ay soo galaan gobolka,Maxkamaduhu waxay ahaayeen kuwo haysta taageero wanaagsan aadna ay usoo dhoweeyeen reer Shabeelaha hoose Afgooye si gaar ah balse Maxkamaduhu qudhoodu waxay ahaayeen kuwo Shaarka Diineed u xirtay inay Shacabka ku khaldaan oo Yuusuf Indhacade oo ay ogaayeen dhibtii uu reer Shabeelaha hoose u gaystay ayay ku abaal mariyeen in uu Gudoomiye uga sii ahaado talaabadaas ay qaadeen mas’uuliyiintii Maxkamadaha oo Shariif Sheekh Axmed uu kow ka ahaa waxay durba keentay in wax layska weydiiyo lajeedka Madkamadaha.

Doorashadii AUN Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Oktoobar2004 waxay albaab taariikheed u furtay shacab weynaha gobolka Shabeelaha hoose,Waxa uuna booqday Madaxweynuhu degmadan Afgooye waxa uuna maamulkii Mooryaanta ku bedelay Maamul ay leeyihiin dulmanayaasha dhulka min gobol ilaa degmo,Qabrigiisa maanta ALLAH ha u nuuriyee waxa uu gobolka ka furtay mooryaantii beelaha ee maamuladii Carte iyo Maxkamaduhu ku abuureen gobolka ha yeeshee markale ayay mooryaantii Beesha dib u soo gashay gobolka kadib kolkii uu Madaxweyne dalka ka noqday hogaamiyihii Burcad Diimeedkii Maxkamadaha Shariif Sheekh Axmed halka uu Tuutihii Ciidanka Xooga Dalkana uu ugu geliyay gobolka dhexdii maleeshiyo beeleedkii duulaan Xasan Shiikh Maxamuud oo awoodiisa isugu geeyay sidii uu beeshiisa ay gobolka dib ugu habsan laheyd.

Intan oo taariikh ah waxaan gundhig uga dhiganayaa in booqashadii maanta ee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayan ahayn booqashadii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago Afgooye dhegaystan dhibta Shacabka haysata misna balan qaada inuu dhibta haysata uu wax ka qaban doono sidoo kalena ay caada u ahayd inayan waxba u qaban reer Shabeelaha hoose kolka laga reebo AUN Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo Shacabka inta uu dhegaystay waxna u qabtay,Taariikhdu waa dhaxal reeb Madaxweyne ruux walbana kaalintii uu ku yeesho loo qori doono loona gudbin doono jiilalka danbe.

*Gunta iyo Gebagabadii.

Gobolkan Shabeelaha hoose waxaa ku habsaday Maleeshiyo Beeleed maalin walba shaarka u bedesha Shacabka in sidii Gafanaha(Shilinta) xoolaha looga gooyo oo kale in shacabka looga dhex saaro ma ahee aanay Dib u Heshiisiin ku dhex lahayn bulshada reer Afgooye iyo tan Gobolka midnaba,Mushahar aad siisiyo maamul ciidana warkeedaba daa oo waa Mooryaan Beeleed Baada Shacabka iyo ka il helay dhacooda,In goboladii laga keenay aad u celisaa u badbaado badan loogana badbaadi ogyahay.

Amaa la dagaalanka Shabaab iyo Guul laga keeno Shabaab ma ahan kuwa aad ka sugayso Maleeshiyo beeleedkan oo maalintiina kuu tuutaysan habeenkiina kuu cimaamadaysan hadii aad kasugtana waa Jugjug meeshaada joog oo Afar sano hada kadib iyo Awdheegle oo weli Shabaab ka taliso!
Mar Labaad iyo mar Sedexaad reer Afgooye iyo gobolka oo dhan Baahidooda Koowaad,Labaad iyo Sedexaad waa AMNI,Amnigana waxaa ka hortaagan Mooryaanta Beesha ee aad maanta ku tilmaantay inay yihiin Ilmahaaga kuna baaqday in aan laga ABAALDHICIN.

Waa ayaan daro in Madaxweyne ummaddeed Mooryaan dhiigyacab ah oo in maxkamad loo saaro shacabka mudnaa inuu ku hadaaqo waa caruurteey,Mushaharbaan siin,Shabaab bay idiinka difaaci,la heshiiya,Ha idinku dul noolaadaan iyo hadalo la mid ah.
War iyo dhamaantii waxaan leeyahay Madaxweyne Farmaajow ma aadan fahmin dhawaqa reer Afgooye(Shabeelaha hoose)!

Qalinkii

Abdiaziz ShSalah.