Gudoomiyihii Degmada Kunturwaareey C/rahmaan Sabtow oo Ku Geeryoodey Qarashii Shaley Ka Dhacay Magalada Muqdisho

1
63

Allah ha u naxariistee C/Raxmaan Abtoow oo ahaa gudoomiyihii dowladda Soomaaliya ugu magacownaa deegaanka Kuntuwaareey ee gobolka Sh/Hoose ayaa lasoo sheegayaa inuu ku dhintay weerarkaas.

Marxuumka ayaa isagoo dhaawac ah loola cararay isbitaalka Madiina ee magaaladda Muqdisho halkaas oo uu ku dhintay sida ay maamulka gobolka Sh/Hoose shaaciyeen.

Kooxda ALShabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas oo geystay qasaro dhimasho oo gaaraya ilaa 7 hala dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeeyay dhibaatada ka dhacday maqaayadaas oo ay ku shaaheynayeen dad ubadan shacab, inkastoo AlShabaab ay sheegeen in madax katirsan dowladda ay ku laayeen

1 COMMENT

Comments are closed.