Maddaxweynaha Dlka Kenya oo La Sheegey Inuu Ka Qeyb Geli Doono Shirka London

0
31

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb-galo shirka London Somali Conference ee 10-ka bishan ka furmaya magaalladda London.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda iyo dowladdaha bariga Africa iyo marti kale oo lagu casuumay kullanka.

Afhayeenka State House-ka dalka Kenya Manoah Esipisu, ayaa sheegay in Uhuru uu ka hadli doono, xiriirka Somaliya iyo Kenya, dhibaatada Al Shabaab, abaaraha ka jira Gobolka iyo Qaxootiga Soomaalidda ee dalka Kenya ku nool.

Kenya waxaa ku yaalla xeryaha Qaxooti ee ugu weyn adduunka, waxaana ku jira Qaxooti badan oo Soomaali ah.

Dhanka kale Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, Michel Keating, ayaa sheegay in shirka London Somali Conference uu muhiimad gaar ah u leeyahay isbedelka dalka Soomaaliya.