Maddaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta warqadihii Aqoonsiga Ka Gudoomey safiirka Cusub ee Itoobiya

0
34

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar.

Madaxweynaha ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo bishii hore ay dowladda Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya ahna Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Danjire Jamaaludiin Mustafa Omar ayaa ugu horeyn madaxweynaha u gudbiyay nuqulo ka mid ah waraaqdiisa danjirnimo iyo dhambaal uu ka sido Madaxweynaha dowladda Itoobiya Mulatu Teshome.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhoweeyay xafiiskiisa Danjiraha cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin, oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali, kana soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.