Xukuumada oo Dib u Eegis Ku Sameyn Doonta Xeerka Saxaafada

0
53

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta kala hadlay muhiimada xeerka saxaafadda iyo in Dowladdu ay diyaar u tahay in xeerka uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan yihiin oo dib u eegis lagu sameynayo.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan dhageystay cabashooyinka suxufiyiinta ee ku aadan qodobo xeerka saxaafada ka mid ah, una ballan qaaday in dib u eegis lagu sameynayo.

Wasiirka ayaa suxufiyiinta ka dalbadey inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan tallooyinkooda si loo saxo qodobadaas, madaxweynihii hore ayaa saxiixay dikreetadii xeerka bishii Janaayo 2016kii oo Xeerku ansax yahay, haddana waxaan tixgelineynaa codsiga suxufiyiinta, waana sababta aan dib u eegista ugu sameyneyno.”

Wasiirka wasaarada warfaafinta, ayaa ugu dambeyntii sheegay in dib u eegista lagala tashan doono hay’adaha, Wasaarada Xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Baarlamaanka ee Xaquuqul Insaanka si loo hubiyo in xeerku uu ka tarjumayo shuruucda Xaquuqul Insaanka dalka iyo kuwa caalamiga ah.