Doorashooyinka Maddaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug oo Mar Kale Dib Loo Dhigey

0
42

Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay in dib loo dhigay doorashada madaxtinimada maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada la qaban doono, saddexda bisha May ee fooda nagu soo heysa, waxaana markii hore ballanta ay aheyd in la qabto 30 Bisha April oo maalinta berri ah ku beegan.

Musharaxiinta madaxtinimadda ee maamul-gobolleedka Galmudug ayaa maanta oo Sabti ah lagu waday in ay Baarlamaanka ka horjeediyaan Waxqabadkooda.

Guddomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in 1-da bisha May ay Musharaxiinta madaxtinimadda ee maamul-gobolleedka Galmudug ay ka hor jeedin doonaan Baarlamaanka Waxqabadkooda.