KUlankii Golaha Wasriirada oo Shaley Looga Hadley Arimo Xasaasi Ah

0
32

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyey Guddoonka iyo Guddiyada Difaaca & Amniga ee Baarlamaanka oo uu xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay, iyadoo baarlamaanku uu si furfuran ula xisaabtamay Xukuumada Qorshaha Amniga Qaranka.

Waxaa halkaasi warbixino kala duwan kasoo jeediyey intooda badan golaha wasiirada ayadoo wasaarad kasta ay ka warbixisey halka ay wax u marayaan, Wasaaradihii halkaasi warbixinka ka bixiyey waxaa ka mid ahaa Wasaarada Maaliyada, Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka iyo wasaarada qorsheynta.