Daawo Jamciyada Tadaamun al-islaami oo Maanta Deeq Dawo ah Gaarsiiyay Degmada Wanleweyn iyo Deegaano Hoos Taga

0
64

Jamciyada Tadaamun al-islaami oo ah Jamciyad gacanta ku heysa xarumo badan oo waxbarasho oo ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxaa ay deeq Daawoooyin oo isugu jira  Faleenbooyin, Metronidazole iyo Orsah gaarsiisay ilaa iyo sadex xarumood oo ku kala yaala Deegaaanka Haakow iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose taasoo ay usoo wakiilatey maamulaha iskuulka cabdulaahi ibnu mubaarak oo lagu magacaabo Abuukar cabdulaahi xuseen.

Xarunta cusub ee lagu Dabeeyo Dadka cudurka shuban biyoodka qaba xaruntaas oo ku taala Dhabarka dambe ee isbitaalka Bulshada ee degmada Wanlaweyn (Wanlaweyn community Hospital ) ayaa Waxaana la gaarsiiyay 10 kartoon oo faleembo ah, 1 kartoon oo Metronidazole iyo 1 kartoon oo ORS waxaana Dawadaas lagu wareejiyey Agaasimaha Cisbitaalka bulshada ee wanlaweyn Doctor Mustaf xuseen Waxa uuna u mahad celiyay Jamciyada Tadaamun sida damqashada leh oo ay u garab istaagtay walaalohooda Tabaaleysan.

Sidoo kale waxaa ay dawooyin gaarsiiyee Xarun lagu dhabiibo dadka uu hayo cudurka shubun biyoodka oo ku taala deegaanka haakow oo ka tirsan degmada wanleweyn ee gobolka shabelaha hoose ayaa waxaa la gaarsiisyey 10:kartoon oo faleembo ah, 1 kartoon oo Metronidazole iyo 1 kartoon oo ORS waxaana lagu wareejiyey Dr Mukhtaar Adan Siidaw oo ah dhaqtar ka howl gala xaruntaas waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin daawooyinkaan lasoo gaarsiiyay.

Cudurkan shubun biyoodka ayaa beryahan waxaa uu fara ba,an ku hayaa dhamaan gobolada koonfur galbeed ee dalka somaliya ayadoo uu dad badan ku laayey deegaanada ay ka kooban yihiin koonfur galbeed.


Cabdulahi M Abukar Daafeet Media Wanleweyn