Deeqa Cabdulqaadir”Batuulo Gabale magaca Haweenka Qaranka kuma hadli karto”

0
172

Deeqo Cabduqaadir Cali oo horey u soo qabatay xilka gudoomiyaha degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho haatana u taagan inay u tartanto xilka Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhawaajisay in Gudoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ay ku guul dareysatay intii ay xilka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed haysay inay wax ka qabato dhibaatooyinka faraha badan leh ee soo wajahay Haweenka Soomaaliyeed haba ugu badnaadaane kuwa la xiriira xuquuqda Siyaasadeed ee Haweenka.

Deeqo Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegtay in Batuulo Sheekh Axmed Gabale uu mar horeba ka dhamaaday xilkii gudoomiye-nimo ee ay u haysay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed”Todoba bilood ka hor ayay ahayd kolkii uu xilka ka dhamaaday walaasheey Batuulo waxayna ahayd in Ururka ay u diyaariso in Doorashii dhacdo xiligeeda taasi oo lasoo dhaafay,Hadii ay rabto inay xilka sii haysana ay soo tartanto maadaama uu xilkeedii ku ekaa bartamihii sanadkii hore”ayay sii raacisay Deeqa.

Deeqo Cabdulqaadir oo si gaar ah usoo hadal qaaday fariin ay golaha Shacabka u dirtay Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ku aadaneyd in ay Baarlamaanku ansaxiyaan golaha wasiirada cusub ayay sheegtay inay tahay wax aad looga xumaado”Haweenka Soomaaliyeed waxay leeyihiin Koonto u gaar ah taasi oo ah 30% in laga siiyo golayaasha Siyaasada dalka,Waxaana maanta wada ognahay in Baarlamaanka iyo Caqalka sare midna aynaan ka helin Koondadeenii oo welibana maanta naloogu daro golaha wasiirada oo halkii aan ka sugaynay 30% nalasiiyo 12% isla markaana Batuulo taageerto iyadoo aan cidna la tashan waa arin kale oo xanuun farabadan nagu hayo hadaan nahay mas’uuliyiinta ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed”ayay tiri Deeqa Cabdulqaadir.

Ugu danbayna waxay hadal dardaaran ah u dirtay dhamaan Haweenweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dalka iyo dibada kaga sugan yihiin”Haweenkow ogaada maanta in aanu jirin hogaan maareeya arimihiina,Batuulana ay tahay siyaasiyad danaheeda kaga shaqeysanayso magaca Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo wax laga sugaa oo ay ugu maqan tahay aanu jirin,Waxaana leeyahay Haweenkow istaaga una istaaga dantiina”ayay hadalkeeda ku soo xirtay Deeqa Cabdulqaadir.