Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Alshabab oo Maanta Ku Dagaalamey Deegaano Ka Tirsan Ceelbuur

0
55

Wararka inaga soo gaaraya degmada Ceelbuur ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta wadada isku xirta deegaan lagu magacaabo Ceel Qoxle iyo ceel buur ay ku dagaalameen ciidamo itoobiyaan ah iyo kuw alshabab.

Wararku waxaa ay sheegayaan xoogagga ka tirsan Al-shabaab jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka baxay magaalada Dhuusa-mareed, islamarkaana ku sii jeeday degmada Ceelbuur ee gobollka Galgaduud.

Dagaalka oo leysku adeegsaday hub kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in Madaafiic ay adeegsadeen labada dhinac in ay waxyeelo kasoo gaartay dadka degaanka.